MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan ayaa caawa waxay ku toogteen Degmada Kaaraan ee  Magaalada Muqdisho Sarkaal hore uga tirsanaan jirey Booliiska Soomaaliya xili uu masaajid ka soo baxay.

Laba dhalinyaro ah ayaa la sheegay inay toogteen Alle ha u naxaristee sarkaalkaasi hore oo lagu magacaabi jirey Cabdullahi Cali Calasow oo sidoo kalana ku magac dheeraa  cabdullahi Madaxey.

Advertisement

Sarkaalkaan oo aan xiliyadaan danbe shaqeyn ayaa mar soo noqday Taliye xigeenkii Saldhiga Degmada Waabari ee Magaalada Muqdisho.

Dadkii goobta ka dhawaa waxay shegeen inay baxaadeen kooxihii dilka fuliyay oo alshabaab ka tirsanaa.

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay faahfaahin ka bixiyaan dilkaan iyo ujeedka ka danbeeya marka ay baaritaan sameeyaan kadib.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDuqii Baladweyne oo xilka laga qaaday mid cusubna lagu badalay
Next articleBooliiska Puntland oo qabtay agab loo waday Alshabaab+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here