BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin Dowlada Somalia ayaa la soo sheegayaa inay xalay Magaalada Baydhaba ku dileen dhalinyaro ahaa xili warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababta dilka.
Allaha u naxariistee wiilka la dilay oo lagu magacaabi jirey Jamaal Xasan Nuur ayaa markii hore wararku waxay sheegayeen in ciidamada Dowladu u dileen sababo muran soo kala dhexgalay waqtiga uu socday owgeed balse warar danbe ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo burcad ah ay Mobile uu watay dartiis u dileen.
Dilka oo ka dhacay xaafadda Wadajir ee magaalada Baydhaba ayaa wararku waxay intaasi ku darayaan in kooxihii dilka gaystay ay baxsadeen oo aan gacan lagu heyn islamarkaana laamaha amaanka laga sugayo inay soo qabtaan.
Eehalada wiilka la dilay ayaa hada ka war sugaya Hay’adaha amaanka Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed iyo kuwa Dowlada si ay war cad uga soo saaraan dilkaani islamarkaana sharciga u horkeenaan gacan ku dhiiglaha.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ

