MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan oo loo maleynayo inay Degmada Dayniile ka soo jeedaan ayaa xalay waqti danbe waxay weerar ku qaadeen dhulka Warshada birta oo ku yaal Dayniile halkaasoo dhawaan Dowladu ka bixisay dadkii shacabka ahaa ee deegaanku u ahaa dhulkaasi.
Ciidamo Dowlada Somalia ka tirsan ayaa dhulka Warshada birta ilaalo ka hayay madaama dadka deegaanku ka gows adeegeen amarka Dowlada ee barakacinta ahaa,dadka deegaanka iyo xildhibaanadooda ayaa shalay shir ku qabtay dhulka warshada waxayna ku hanjabeen iney is difaci doonaan oo aysan aqbaleyn in la barakaciyo.
Dagaalka Xalay dhexmaray kooxaha hubeysan ee weerarka qaaday iyo ciidamada Dowlada ee ilaalada ka hayay dhulka warshada lama yaqaan khasaaraha ay is gaarsiiyeen.
Hy’adaha amaanka wali kama hadlin weerarka ay kooxaha hubeysani xalay qaadeen iyo hadii ay jirto dhibaato ka dhalatay intaba.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
