Wararka ka imaanaya caawa Degmada Wadajir ayaa sheegaya in goor dhawayd Kooxo ku hubeysan Bastoolado ay halkaas ku dileen Cabdiraxmaan Kamaal oo ka mid ahaa mudanayaasha ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in la dilay Marxuumka asaga oo fadhiya Maqaayad shaaha laga cabo, waxaana lagu dilay Cabdiraxmaan Kamaal Sheekhaay xaafadda Siliga ee degmada Wadajir.

Dilka xildhibaanka oo ay ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ka fakaday goobta uu dilku ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Xildhibaanka.

Sidoo kale Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanaya iyadoo shalay ay ahayd markii qarax miino lagu diley Guddoomiye ku xigeenkii arrimaha siyaasada ee degmada Deyniile.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here