Nairobi (Dayniiile.com)-Shacabka ku dhaqan xaafada Biafra ee Islii Nairobi ayaa  ka cabanaya koronto la’aan baahnsan xili adeegyada bulshadana ay u badan yihiin kuwo loo isticmaalo korontada.

Cabashadu waxay si gaar ah uga jirtaa xaafadda Biafra ee deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi  kuwaasoo sheeganaya inay mudo sedex bilood ah korontadu ka go’an tahay.

Advertisement

Masuuliyiinta kamukunji iyo Shirkadda korontada ee KPLC ayay ka dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay arintaasi wax uga qabtaan.

Dadka ku dhaqan xaafada Islii gaar ahaan Biafra ayaa u ssheegay in dhibaatada heysata ay ka bilaabatay markii shaqaalaha shirkada Korontada ay bishii June baxsheen mid ka mida haamaha korontada qeybin jirey.

Masuuliyiinta Dowlada iyo Shirkadaba wali sharaxad kama aysan siin shacabka sababta shirkadu ugu adeegi la’adahay dadka koronro la’aantu heysato.

XAFISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here