=Qore: Yahya Amir=
Culimada Sayniska oo la yaabtay, Cilmi baaris cusub oo ay sameeyeen iyo Qur’aanka kariimka ah xiriirka ka dhexeeyo.

Dalka Japan miisaniyadiisa ugu yaraan 25% ayuu ku bixiyaa Cilmi baaris. Waxa uu heeystaa Khubaro iyo Qalab uu wax ku baaro. Khabiirkii Cilmi baaristiisa ka been sheegana, waxa uu dhumiyaa xuquuq badan. Waxaa laguu ogolyahay in aad cilmi baaris ku sameeyso, wax kasta oo magac iyo maalba u kordhi karo Dalka.

Inta Badan Gaaladu waxa ay rabaan wax Diinta islaamku sheegtay in ay beeniyaan, laakin waxaa u soo baxdo natiijo ayna fileeyn.

1. Dr. Masaru Emoto, oo ka mid ah Culimadda Seyniska Japan kuwa ugu weyn, ayaa yiri: Muslimiintu marka ay wax Cabayaan ama wax cunayaan waxa ay ku bilaabaan (Bisinka) , muxuu ka badali karaa waxa ay cabayaan.

Wax kasta oo Diimuhu sheegayaan sabab ayaa loo sameeyay, sida Sadaqada, Soonka, laakin waa in aan u helnaa Cadeeymo Cilmi ah ayuu yiri.

Waxa uu soo qaatay Qalab weeyneeyo Muuqaalka Malaayiin jeer. Nin Saaxiibkii ah oo Muslim ah ayuu keenay Sheybaarkiisii, waxa uuna ku yiri: Biyahaan ku Akhri Qur’aanka iyo Bisinka. Codkii ayuu “Record” ku duubay, kadibna waxa uu ku Shiday codkii Biyo, si uu u baaro hadduu jiro isbedel ku dhacay Biyaha.

Waxa uu arkay in ay isbedeleen “Water Molecule-gii” ay Biyihu ka sameeysnaayeen.

Waxaa u soo baxay muuqaal u eg hab dhiska “Crystal” nuuca Dheemanka muuqaal ahaan in ay isku badaleen Molecule-kii ilmu ma qabatada ahaa, “Quality Structure”.

Advertisement

Waxa uu yiri: isbedelkaa “Radiate Energy”, ma fileeyn waxa ayna igu noqotay la yaabkii Cilmi ee iigu weynaa, waxa uuna ku qoray mid ka mid ah Buugaagtiisii Cilimi Baarista ee uu la wadaagay Dowladiisa iyo Culimada kale ee Sayniska.
( F.S:1-15aad) ( Saynis yahanadu, waxa ay rabaan ha sheegeen, ee Adiga sida Diinteenu na faree, Bisinka ku bilaaw, wixii aad qabanee)

2. Dr. John Andruw Armour oo ah caalim dhinaca sayniiska una dhashay Dalka Kanada ayaa Cilmi baaris uu sameeyay. Waxa uu leeyahay Hore waxaa loo aaminsanaa in shaqada Wadnuhu ay tahay oo kaliya in uu dhiigga kala gaarsiiyo jirka oo dhan.

Laakin islaamku waxa uu qabaa in Wadnuhu uu qabto Shaqo u eg tan Maskaxdu qabato. Rasuulka CSW ayaa yiri: waxaa jirto Xubin haddii ay xumaato, jirku Xumaanaa, haddii ay wanaagsanaatana aad wanaagsanaanee waana wadnaha.

Malakul jibriil waxa la yiri: waxa uu dhambalay Xabadka Rasuulka CSW si uu u nadiifiyo. Waxa uu islaamku leeyahay indha la’aantu ma ahan Indhaha oo kaliya ee waa Qalbiga.

Waxa uu soo saaray in ay jirto qeyb aad u yar oo Wadnaha ka mid ah oo fikirto, in kasta oo ayna gaarsiisneeyn heerka wadnaha, iyo in maskaxdu ay fariimaha qaar ka hesho wadnaha uuna jiro xiriir fikir oo ka dhexeeyo Labada. Wadnuhu waxa uu ka shaqeeyaa Fikirka Ruuxiga ah iyo kan taban” negative thinking” waxaana xiriiriyo Xididka “Xablul wariid”
Waxa kale oo uu ka hadalay shaqada wadnahu Geerida jirka kale kadib in uu sii wato muddo kooban.

Waxa uu ku soo gabagabeeyay, wadnaha shaqadiisu ma ahan in uu dhiigga kala gaarsiiyo Jirka oo dhan oo kaliya ee waxa uu qabtaa shaqo la xiriirto Fikirka iyo dareenka kale sida islaamku sheegay 1400 Sanno ka hor, waxa uu leeyahay weli Cilmi baaristeyda waa sii wadaa oo iima dhamaan.
May be an image of 2 people and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of body of water and text that says "How The Holy Quran affects Water OEROVE."May be an image of text that says "are interconnected."May be an image of body of water and textMay be an image of body of water and textMay be an image of body of water and text that says "How The Holy Quran affects Water DR EMOTO WAS ALSO TOLD THAT MUSLIMS RECITE BISMILLAH (WHICH MEANS N THE NAME OF GOD)"May be an image of 1 person and text that says "14:44 69% before"May be an illustration of map and textMay be an illustration of text that says "14:44 S 69% over the water. 1"May be an image of ‎text that says "‎14:44 69% How The Holy Quran affects Water UkP هر‎"‎May be an image of musical instrument and textMay be an image of textMay be an image of text that says "CHOCI+HO And this energy"May be an image of 2 people and text that says "14:44 S 69% an experiment. A"May be an image of 1 person and text that says "DR JOHN ANDREW ARMOUR"May be an image of textMay be an image of 1 person and textMay be an image of headscarf and textMay be an image of heart and textMay be an image of 1 person, heart and textMay be an image of text that says "Scientist Shocked! QURANIC"May be an image of slow loris and hospitalNo photo description available.May be an image of textMay be an image of textMay be an image of x-rayNo photo description available.May be an image of heartMay be an image of textMay be a doodle of heart and x-rayMay be an image of ‎text that says "‎ما الحكمة من تکرار قوله :تعالی فبأي آلاء ربكما تكذبان 31 مرة ومن المخا طبين فى هذه الآية الكريمة؟‎"‎May be an image of ‎text that says "‎قال أبو بکر رضی الله عنه رسول الله ﷺ، أراك شبت قال شيبتني هود وأخواتها فما. هى أخوات هود التى شیبت النبي ل_سم؟‎"‎(F.S:16-33aad)
Adigana aan ku weeydiiyo Saddax, Su’ aal, si aad uga fikirto.

3. Suratu ” Al Raxmaan” maxaa hal Aayad loogu soo Celceliyay 31 mar? Waa kuwee kuwa lagula hadlayay Aayadda?( F.S: 34aad)
4. Fiiri: Aayadda qur’aanka ee leh: waxaan Arkay (11 Xiddig). Meeqa dhibcood ayaa Aayadaa ku jirto, Tiri Adigu.
Xiriirkaa Allaah uu ku miisaamay Sideed u aragtaa? (F.S:35aad)
5. Sayid Abubakar RC, waxa uu yiri: Rasuulka Allow CSW, waxaan ku arkaa in aad Gaboowday, Rasuulka ayaa ugu jawaabay: waxaan la duqoobay “Suuratul Huut” iyo Walaalaheed. ( Garkiisa ayuu ku arkay Ciro, waxaa la yiraa kama badneeyn Labaatan, iyo daal badan oo ka muuqday)
Waxa aad sheegtaa suuradaha kale ee Rasuulku yiri: Suuratul Huut walaalaheed ee Rasuulka muuqaalkiisu u muuqday Gabow? Sababta Suuradahaasi ay sidaa uga dhigeen? (F.S:36aad)
FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir
Previous articleDAAWO:Abiy Axmed oo sameystay koox u qaabilsan dilalka mucaaradkiisa
Next articleDAAWO: Howlgal Amni oo xalay laga sameeyay Xaafadaha Degmada Kaaraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here