HomeWarkiiQaar ka mid ah ciidamo uu dhawaan tababar usoo xirey Madaxweynaha Gal-mudug...

Qaar ka mid ah ciidamo uu dhawaan tababar usoo xirey Madaxweynaha Gal-mudug oo goostay Alshabaab

May be an image of 15 people and textDHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in qaar ka  mid ah ciidamo 23-kii September ee sanadkaani uu tababar u soo xirey Madaxweynaha Maamulkaasi Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ay u baxsadeen dhanka Alshabaab.

Ciidamadaan oo tiradooda lagu sheegay 7 askari ayaa u baxsaday oo gaaray deegaanka Ceel-garas ee Gobolka Gal-gaduud halkaasi oo ay heystaan Kooxda Alshabaab islamarkaana ay ku biireen,wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadaani goostay ay mudo 6 bilood ah ku sugnaayen Dhuusa-mareeb.

Walaac iyo cabsi dhanka amniga magaalada ah ayaa soo wajahday masuuliyiinta Hay’adaha amniga Maamul Goboleedka Galmudug madaama askar hada tababar loo soo xirey ay si sahlan ugu goosteen kuna biireen kooxda Alshabaab.

Askartaan goosatay waxaa la soo sheegayaa inay ka baxeen Magaalada Dhuusa-mareeb markii todobadoodu is fahmeen, lamana garanayo inay hore ugu qorsheysneyd ka hor tababarka iyo inay hada go’aansadeen.

Dhanka kale Masuuliyiinta Dowlad Goboleedka Galmudug wali war rasmi ah kama soo saarin akhbaartaan sheegaysa in ilaa 7 askari oo dhawaan uun tababar loo soo xirey ay u goosteen Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -