Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaalkii ka socday B/xaawo, waxaana la sheegay in ku dhawaad 15 qogf ay ku dhinteen dagaalkaas.

Madfac ku dhacay guri ku yaala Beledxaawo waxaa ku dhintay shan caruura oo walaalo ah iyadoo hooyadoodna ay ku dhaawacantay, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal caafimaad.

Madfac kale oo ku dhacay guri ayaa isna waxa ku dhintay saddex caruura.

Sidoo kale, dadka dagaalka ku dhintay waxa kamid ah taliye ku xigeenkii booliska Beledxaawo iyo labo illaalladiisa ah.

Ugu yaraan 14 qof oo dhaawac ah ayaa la dhigay isbitaalka Beledxaawo, .

Inkastoo xoogaa dagaalku istaagay haddana ciidamada dagaalamaya ayaa isku horfadhiya bartamaha magaalada, waxana mararka qaar la maqlayaa hub culus.

Dagaalka Beledxaawo ayaa dhexmaraya ciidamada dawladda federaalka oo horey gacanta ugu hayay magaalada iyo ciidamo taabacsan wasiirka amniga ee Jubaland Cabdirashiid Janan oo xalay duulaan ku soo qaaday Beledxaawo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here