Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in uu ahaa qaraxii ugu qasaaraha badnaa ee Bilooyinkan ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad 25 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 40  kalena way ku dhaawacmeen qaraxa, sida laga soo xigtay adeegga ambalaasyada ee Aamiin Ambulance.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan  loo adeegsaday gaari noociisa lagu sheegay NOAH oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaas oo la dhigay afaafka hore ee maqaayadda Luul-Yemeni oo aan ka fogeyn dekedda weyn ee Muqdisho iyo halka laga ilaaliyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Dhinaca kale  waxaa soo dumay guri u dhawaa maqaayadda la qarxiyey ee Luulyemeni, kaas oo loo maleynayo in burburkiisa uu dad kale ku hoos jiro, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka.

Kala soco Bogan Wixii ku soo kordha arintaas

 

 

 

Office Nairobi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here