Sida laga sheegay raadiyaha Dowlada Soomaaliya 27 Alshabaab ka tirsan ayaa lagu dilay xadka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Howlgalka lagu laayay dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa ka dhacay Degaannada Miliqo oo ku yaala soodinta Gobalada Mudug iyo Galgaduud iyo deegaanka Baalal dheer oo ku yaala Gobalka Galgaduud.

Taargadka howlgalkaan ayaa ahaa Saddex xarun oo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaannadaas duulaanka lagu qaaday

Sidoo kale howlgalkaan waxay Ciidamada Dowladu  ku burburiyeen gaadiid iyo saanad ciidan oo ay Alshababku lahaayeeen.

XAFIISKA WARARKA DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here