Doon la sheegay in ay la socdeen ilaa 37 qof oo tahriibayaal iyo magangalyo doon ah ayaa lagu waayay meel ka baxsan xeebta Sfax ee dalka Tunisia.

Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay magaalada Tuniisiya iyadoo wali ay socoto baadi goobka tahriibayaasha oo tiradooda lagu sheegayu 37 ruux kuwaasoo nolol iyo geeriba lagu heyn xili markii ugu danbeysay ay doon raaceen.

Advertisement

Mudaaharaadayaasha ayaa Dowlada ku cadaadinaya in dadka  eheladooda ah nolol iyo geeri mid uun lagu soo cadeeyo si ay uga baxaan walaaca.

Dadka ku nool magaalada El Hencha oo ah kuwa sameeyay isu soo baxa ayaa sugaya inay maqlaan warka ku saabsan dad koodii  ay jeclaayeen  halka ay ku danbeeyaan xili ay ka gudbayeen  badda Mediterranean-ka.

 

Qaar ka mida ehalada tahriibayaasha ayaa tilmaamay inay heleen taleefankii ugu dambeeyay markii ay baxayeen tahriibayaasha oo ahayd xili habeenino wax yar kadibna uu go’ay  dhammaan xiriirkii la lahaa doonta iyo dadkii la socdayba waa la waayay.

In ka badan tahriibayaasha ayaa lagu soo waramayaa inay ka yimaadeen tuulada yar ee El Hencha ee Gobolka Sfax, waxayna da’doodu u dhaxaysaa 13 ilaa 35 sano jir.

=SOURCE ALJAZEERA=

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Migrants and asylum seekers swim and struggle to hold onto an overturned wooden boat in the Mediterranean Sea.

Previous articleXuutiyinta oo ka jawaabay warkii Mareykanka ee ahaa inay Argagaxiso u aqoonsadeen
Next articleRa’iisulwasaare Xamze oo khud-bad ka jeediyay shirkii Jaamacada Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here