Wararka ka imaanaya Garoonka Muqdisho ayaa sheegaya In Ku dhawaad 50 ruux oo ku soo dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Baladxaawo, oo u badnaa Ciidamo xalay laga soo dajiyay Garoonka magaalada Muqdisho, kuwaas oo la kala geeyay isbitaalo kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in 20  qof oo dhaawac Culus ahaala dhigay isbitaalada Erdogan ee  ku yaala magaalada magaalada muqdisho.

Dagaalkii shalay ka dhacay Beledxaawo ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 30 qof oo isugu jira labadii dhinac ee dagaalamay iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale Qaar ka mid ah madaafiicdii ay adeegsadeen ciidamadii dagaallamay ayaa waxaa ay sababtahay dhimashada shan caruur ah oo wada dhashay iyo dhaawaca hooyadood, iyadoo qoyskaas uu ka badbaaday aabaha oo xiligaas ka maqnaa guriga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here