HomeWarkiiKu dhawaad boqol qof oo Cudurka Ebola ugu geeriyooday Dalka Kongo.

Ku dhawaad boqol qof oo Cudurka Ebola ugu geeriyooday Dalka Kongo.

Wararka laga helaayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa sheegaya in halkaasi uu dib uga dilaacay Cudurka Ebola islamarkaana ay dad badan u geeriyoodeen sida ay ku warbixisay Hay’adda caafimaadka ugu sarreysa Afrika.

Cudurk oo si gaar ah uga dilaacay gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ayaa la soo sheegayaa inay u dhinteen 80 ruux halka dadka uu saameeyay guud ahaan lagu sheegay 246 kuwaasoo lala tacaalayo xaaladoioda Caafimaad.

Sida BBC sheegtay Saraakiisha Uganda ayaa Jimcihii xaqiijiyay hal kiis oo ah cudurka Ebola oo kasoo gudbay DR Congo, iyadoo wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ay sheegtay in nin 59 jir ah oo Khamiistii dhintay laga helay cudurka.

Taariikh ahaan Cudurkaan ayaa markii ugu hoeyay wuxuu ka dilaacay Dalka hadda loo yaqaan DR Congo 1976-kii islamarkaana laga qaaday xayawaanka loo yaqaan fiidmeerta,Cudurkaan waxaa la sheegayaa inuu ku faafo taabashada tooska ah ee qoyaanka jirka iyo maqaarka dilaacsan, ugu danbeyn dhimasho walow mararka qaarna laga bogsoodo taasoo ku xiran qofka waqtigiisa.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -