HomeWarkiiKu simaha Madaxweynaha oo booqday Saldhigta Warta-nabada oo shalay shaqaaqo ay ka...

Ku simaha Madaxweynaha oo booqday Saldhigta Warta-nabada oo shalay shaqaaqo ay ka dhacday+SAWIRRO

May be an image of 6 people and textMuqdisho-Soomaaliya 25, September, 2025: Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqasho ku tagay Saldhiga Degmada Warta Nabadda oo ay shalay ka dhacday shaqaaqo khasaare geysatay.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa saraakiishii goobta kusoo dhoweysay oo ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed General Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Saldhiga Degmadda Warta Nabada, waxa ay warbixin ka siiyeen shaqaaqadii shalay ka dhacday Saldhiga Degmadda Warta Nabadda.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo saldhiga Degmada Warta Nabadda warbaahinta kula hadlay ayaa marka hore sheegay in dowladda ay ka xuntahay falkii foosha xumaa ee lagula dhaqmay aabihii waayeelka ahaa iyo hooyooyinkii lagu dhibaateeyay Suuqa Siinaay, isagoo saraakiisha Booliiska iyo guud ahaan laamaha amniga uga mahadceliyay kuna amaanay talaabadii ay ka qaadeen dadkii arintaasi dambeeyay.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda ay aad uga xuntahay dhacdadii shaqaaqada ahayd ee shalay ka dhacday Saldhiga Degmadda Warta Nabadda, wuxuuna laamaha amaanka uga mahadceliyay sida ay u xakameeyeen.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadii shalay dhacday in ay soo abaabuleen siyaasiyiin xilal kala duwan dalka kasoo qabtay, isagoo ka digay in ay arintaas mar kale soo laabato.

Ugu dambeyn waxaa uu hay’adaha garsoorka ee dalka faray in cadaaladda la marsiiyo shaqsiyaadkii ka dambeeyay dhibaatadii shalay ka dhacday Suuqa Siinaay si ay cadaalad u helaan dadkii dhibaatadda loo geystay oo uu ka mid yahay Aabihii waayeelka ahaa.

DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle IsxaaqMay be an image of 6 people and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 4 people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -