HomeWarkiiKulankii Xalay dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo Shariif iyo waxyaabihii looga hadlay

Kulankii Xalay dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo Shariif iyo waxyaabihii looga hadlay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kukan aan hore loo sii ogeyn oo degdeg ah ayaa xalay Magaalada Muqdisho wuxuu ku dhexmaray Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Madaxweynihii hore Shariid Sheekh Axmed.

Kukanka wuxuu ka dhacay guriga Shariif Sheekh Axmed waliba kulankaan waxas laga diiwaan geliyay dhacdooyin dhif iyo naadir u dhaca taasoo ahayd in kulanku ahaa mid Xitaa Shariif uussn la socon ok Madaxweyne Xassan uu si kadis ah ugu tagay Shariif.

Sidoo kale waxaa la sheegay inaan wax jid ah la xirin islamarkaana Madaxweyne Xassan uu kaliya qaatay laba gaari oo mid uu gacantiisa ku watay.

Labada masuul waxa la sheegay inay ka wada hadleen ajande uu watay Madaxweyne Xasan taasoo aysan ogaan karin Warbaahintu madaama kulanka uu ahaa mid qaas ah balse warar duul duul ah laga helay.

Madaxweyne Xasan ayaa la hadal hayaa inuu Shariif kala hadkay bad-baadada Dalka madaama xaalad adag uu Dalku galay markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland.

Inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan kulankaan iyo qorshaha Madaxweyne Xasan ayaa hadana waxaan ka xusi karnaa waxyaabaha uu kala hadlay shariif ay ka mid tahay inuu diyaar u yahay qabashada kulan wada-tashi Qaran madaama xaalad adag lagu jiro sidaas daraadeedna uu dalbaday in raga maqana uu la baadi goobo sida Puntland iyo Jubalan.

Dadka aamisan in Madaxweynuhu arimahaan kala hadlay Shariif waxay leeyihiin Odey Xasan markaan wuxu muujiyay bisayl siyaasadeed si dalka loo bad-baadiyo hadey tahay dhanka midnimada dalka iyo haday tahay dhanka hubanti la’aanta ka dhalan karta hadii doorashooyinka lagu qaban waayo waqtigeeda.

Go’aanka Madaxweyne Xasan ayaa ku soo aadaya xili dhawaan mucaaradkii markii ay ku shireen Kismaayo ay Madaxweynaha kaga dalbadeen shir iyaga Madaxweynaha u dhexeeya si aayaha dalka looga wada hadlo madaama muda xileedka Madaxweynaha uu bilo yar ka harsan yahay xili Madaxweynuhu aqbalay hadana icil ahaan u isu diyaarinaayo marba hadii uu xalay arimahaasi kala hadlay Madaxweynihii hore ee Shariif oo hogaamiyaha mucaaradka samatabixinta la baxay.

Dhanka kale Xisbigas Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa war ay ka soo saareen kulankaan wuxuu u qornaa sidan:-

May be an image of text

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -