Kulan ciyaareed u dhexeeya Kooxaha Kubadda Cagta Horseed iyo Heegan oo kala matala Ciidamada Boliiska iyo Milatariga ayaa galabta lagu qabtay Garoonka Ciyaaraha Stadium Muqdisho.
ciyaartaas waxaa u daawasho tagay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru dowlaha Amniga, Wasiiru dowlaha Howlaha guud, Agaasimaha hay’adda NISA, Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka kulan ciyaareedkaan ayaa ahaa mid lagu soo dhaweynayay in dalka laga qaaday Cunaqabateyntii hubka ee saarneyd 31 sano.

Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 4-0 oo ay kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalku ugu awood sheegatay xidigaha Heegan ee Ciidanka Boliiska.
May be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person, smiling and hatMay be an image of 6 peopleMay be an image of 1 person
Previous articleDAAWO: Ciidamada Madaxtooyada Puntland oo gadood sameeyay mushaar la’aan darteed
Next articleDAAWO: Ciidamo cusub oo loo diyaariyay dagaalka Alshabaab oo galabta lagu soo bandhigay deegaanka Xiin-labi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here