MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Galabta waxaa ku balansan garoonka Stadium Muqdisho kooxaha kubada cagta ee Banaadir iyo Juballand kulan qeyb ka ah tartanka Maamul Goboleedyada.

Kukankaan wuxuu noqonayaa kii ugu danbeeyay wareegiisa koowaad waxaana loo gudbayaa wareega Same-fiinaalaha.

Advertisement

Taageerayaasha labada dhinac ayaa subaxaan ku jira u diyaar garowga kulankaan adag xili dhibac kasta isku duwanaayo calamadiisa iyo boorarkiisa taageerenimada uu ku muujinaayo.

Banaadir waxay leedahay 6 dhibcood halka Jubaland ay leedahay sedex dhibcood oo kaliya hadii ay banaadir badiso waxaa la leeyahay isla Jubaland ayay isku aadayaan Same-fiinalaha madaama ay isku beegmayaan kooxda 1-aad ku dham3leysata iyo kooxda 4-aad ku dhameysata halka ay iyagana isku aadayaan kooxaha 2-aad iyo 3-aad ku dhameysta waa xaga kala horeynta dhibcaha.

Kooxaha Galmudug iyo Hirshabelle  oo wada leh min 7 dhibcood waxay ku xiran yihiin natiijada kulanka Galabta,labadooda ayaana isku aadaya hadiiba Banaadir badiso, hadiise banaadir bar baro gasho waxaa la xisaabin doonaa dhanka goolasha,sidoo kale hadii laga badiyo dhamaan kooxaha ayaa goolasha lagu kala saari doonaa oo 1-aad iyo 4-aad baa mar kasta isku aadaya iyo 2-aad iyo 3-aad.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDagaal Beeleed khasaare nafeed gaystay oo ka dhacay xadka Gobolada Hiiraan iyo Sh.dhexe
Next articleMadaxweyne Xasan oo ka qeybgalaya Caleema saarka Saciid Danni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here