Warar Hoose ayaa sheegaya in dabayaaqada Todobaadkan Ay wadanka jabuuti Caasimadìisa Dalka Jabuuti ay ku kulmayaan Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxayna Ka qeybgalayaan oo lagu Casuumay Aroos Halkaas ka dhacaya wararka inataas waxay ku darayaan in Labada Madaxweyne ay ku kalategayaan laba baratakool oo kala duwan.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud Waxa uu ku tegidoona Asaga oo ka socda dhinaca wiilka sida uu ahaan jiray dhaqanka Soomaalida.
Madaxweye Muuse Biixi Cabdi Waxa uu ku tegidoona Asaga oo kasocda dhinaca gabadha.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sida Soomaalida dhaqankeeda yahay weydiisan doono Gabdha Madaamaa Madaxweye Xassan Sheekh wiilka ku heebyahay .
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa gabadha Lawydiisan doonaa asiga ayaana Bixindoono Gabadha Madaama gabadha ku heyb yahay weliba abtina u yahay.

Ujeedadeydu Ma’aha in aan ka faaloodo Arooska ka dhacay halkaas, lkn waxaan rabaa in an ka faaloodo Arooska: Heybado Ismaaciil Cumar Geele iyo Saadaq Cumar Xassan (Joon) ee ka dhacayo Wadanka jabuuti Caasimadiisa Jabuuti Manoqon-doonaa kii Ay Soomaalidu ku heshiiso Maadaama ay is arkayaan Markii ugu horeysay Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Madaxweyne Muuse Biixi kadib Doorashadii dhacday 15 may 2022 Ama ugu yarayaan dib ma bilaabmi doonaan Wadahadaladii u dhaxeeyay Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Somaaliland.

Wadamada Carabta waxaaa laga yaqaanaa Siyaasadda Xabaalaha oo loola jeedo mararka Qaar inta ay Boqorada Carabta oo Colaad kadhaxayso ay ku kulmaan tacsiyo dhacday gaar ahaan Xabaalaha oo Halkaas isku araakan kuna hesheyaan Ama wadahadal halkaas ka bilawda heshiisna laga gaaro Colaadii jirtay

Arintaasna Carabata Marar badan ayay ka dhacaday ayaga oo aan dhowr sano aan wadahadlin Kulmin ku heshiiyay xabaasha Mid kamid ah Boqorada oo dhintay .
Sidoo kale Xitaa arintaan oo ah siyaasada Xabaalaha way ka dhacaday Deegaanda Soomaalida Qaarkood gaar-ahaan waxay kadhacay Somaaliland.
Mar uu ka jiray Khilaaf Ba’an oo Ku saabsan Doorashada golaha wakiilada.

Maalin maalmaha kamid ah waxaa dhintay mid kamid Odayaasha dhaqanka ugu waa weyn Somaaliland wadahadal Xabaalaha kabilowday ayaa khilaafkii lagu Xaliyay Dorashadana lagu galay, Xitaa Soomaalida way taqaanaa Siyaasadda Xabaalaha.

Marka hada Suurta gal ma tahay in Arooskaas jabuuti kadhacayo Soomaalida ku heshiiso Ama ugu yaraan Wadahadalo kabilaawdo Arooska laguheshiiyo oo labada Madaxweyne Bilaabaan Siyaasadda Aroooska.

Qarnigaana Casriga ah Dhaqan-gasho Siyaasadda Arooska .

Carabta hadii ku heshiyeen Xabaalaha Soomaalida Maxaa udiidaayo In ay arooska Ku heshiiyaan ??????

# SoomaaliHeshiis ah#

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here