Kulan ka dhacay degmada Hodan oo looga arinsanaayey arimaha Degmada

0
Waxaa xalay xarunta Degmada Hodan ee gobolka Banaadir ka dhacay kulan uu gudoominayay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xassan Iimaan.
 
Kulankan ay kasoo qeyb galeen Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa intii uu socday looga hadlay dar dar geinta dhaqaalaha kasoo xarooda Degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.
 
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xassan Iimaan ayaa ka dhageestay Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir sida ay u socdaan dar dar galinta dhaqaalaha ay kasoo xareeyaan canshuuraha ay qaadaan.
 
Gudoomiyaasha degmooyinka qaarkood ayaa sheegay in ay jiraan caqabado xiliyada qaar kala kulmaan canshuuraha laga qaado xarumaha ganacsi ee kuyaala degmooyinka, waxa ayna xuseen inta badan gudoomiyaasha in si fiican u socoto dar dar gelinta dhaqaalaha.
 
Ugu Dambeyn Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xassan Iimaan ayaa uga mahad celiyay Gudoomiyaasha degmooyinka  shaqada ay hayaan waxa uuna ku booriyay in halkooda kasii wadaan dar dar galinta dhaqaalaha gobolka Banaadir.
Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here