Kulan gaar ah oo loogu mahad celinaayay hay’adda Hormuud Salaam Foundation taageerida iyo taakuleynta ay u sameeyeen dadka baahiyaha gaarka ah qaba sida Indhoolayaasha iyo Naafada qaranka.

Ugu horeyn waxaa goobta mahad celinta ka hadlay Maamulaha dugsiga indhoolayaasha ee Al-Nuur Cabdifitaax Maxamed Daahir, oo ku dheeraaday sida ay hey’ada uga qeyb qaadatay taakuleynta iyo afurinta dadka masaakiinta ah iyo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba asagoo xusay in sanad walba ay gacantoodu gaarto dadka aan wax heysan, sida Maxaabiista Xabsiga Dhexe, Naafada Martiini, Isbitaalka Dhimirka Xabeeb, Haweenka Danyarta ah, Barakacayaasha, Dhagoolayaasha iyo qaxootiga yamaniyiinta.

Sido kale waxaa meesha ka hadlay Sayid Ali Abdullahi Salad oo ah Gudomiyaha Golaha Naafada qaranka ayaa uga mahad celiyay hey’ada Hormuud Salaam Foundation sida bani’aadanimada leh oo ay u garab istaagaan mar walba dadka masaakiinta ah wuxuuna tilmaamay in ay sanad walba bisha ramadaan soo gaarsiiyaan deeq.

Hormuud Salaam Foundation ayaa mar walba u taagan caawinta dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba, iyadoo hay’addu marka la gaaro bisha barakeysanee Ramadan, ay fuliso mashaariicda noocan oo kala ah.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here