Hotel Jaziira waxaa ka socda kulan ay leeyihiin qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee Soomaaliya gaar ahaan kuwii shalay laga soo saaray warqada xanibaada ah.

Xildhibaanadan ayaa ka shiraya sida ay uga falcelin karaan go’aanka Guddonka Golaha shacabka uu ku amray in 11 Xildhibaan oo dhammaan mucaaradka in aysan soo gali karin xarunta Baarlamanka 4-kulan.

Warar hoose oo aan helay ayaa sheegaya in uu socda diyaarinta Mooshin ka dhan ah Guddomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Wixii warar ah ee kasoo kordha halkaan kala soco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here