Kulan howleedka soo bandhigidda iyo wadatashiga Dib u eegista Istaraatiijiyadda Qaran ee Ka hortagga la dagaalanka fekirka Xagjirka ah oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Tubsan ayaa ka furmay Muqdisho.

Shirkan Wadatashiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha hay’adda Tubsan, Safiirada beesha Caalamka, qaar ka mid ah hay’adaha QM, ATMIS iyo masuuliyiin kale.

Advertisement

Agaasimaha Hay’adda Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu warbixiyay mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay soo Bandhigidda Wadatashiga Istaraatijiyadda Qaran Ka hortagga Fikirka Xagjirka ee Rabshadaha wata.

Kulan sidoo kale waxaa ka hadalay danjirayaasha Caalamka u jooga dalka qaar ka mid ah ururada caalamiga ah iyagoo taageeray habsami u socodka la dagaalanka Argagixisada, dadaalka lagu bixinayo Nabadda iyo hormarinta lagu samaynayo deegaanadii laga xoreeyey khawaarijta.

XIGASHO WARBAAHINTA DOQLADA.

Previous articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Next articleMaxaa looga hadlay Shirkii Baarlamaanka ee Maanta +Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here