Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika ahna Madaxa Atmis , Danjire Souef Mohamed El-Amine, ayaa kulan wada tashi ah la qaatey safiirada dalalka ay Ciidamada ka joogaan Muqdisho ee qaybta ka ah Atmis.
Waxa ay ka wada hadleen waajibaadka ATMIS, sidii amniga dalka loogu wareejin lahaa ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyo sida guusha leh ee loo soo gabagabeeyey dhimista 2,000 oo askari oo ATMIS ah bishii June 2023.
Waxay sidoo kale dib u eegis ku sameeyeen natiijada ka soo baxday Qiimaynta Farsamada Wadajirka ah ee udiyaargarowga bixitaanka 3,000 oo askari ka hor codsigii #DFS iyo ogolaanshihii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika oo aheyd “hakinta farsamo” ee Wajiga 2aad ee dhimista 3,000 oo askari ATMIS ah.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay taageerada ay ATMIS siiso hawlgalka ay DFS hormuudka ka tahay ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana la isla eegay shuruudaha iyo taageerada lagama maarmaanka ah ee loo baahan yahay in si habsami leh uu udhaco kala guurka.
May be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 8 people, newsroom and text
Previous articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Next articleWar-murtiyeedka ka soo baxay shirkii mucaaradka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here