MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Gudoomiyaha Hay’ada Maareynta Masiibooyinka  Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay masuuliyiin ka tirsan  Maamul Goboleedyada Dalka qaarkood.

Wasiirada Wasaaraddaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee dowlad Goboledyada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa kala hadlay Gudoomiye Maxamuud Macalin arimo ku saabsan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed ee saameyntu ku teelatay daadadka El-Niño.

Advertisement

Qodobada labada dhinac isla soo qaadeen waxaa sidoo kale ka mid ahaa in Raashinkii dowlada Ruushka dalkeena ugu deeqday si siman Dowladd Goboledyada dalka ka jira loo wada gaarsiiyo.

Wasiirada gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug C/raxmaan Makaawi, Koonfur Galbeed C/naasir Cabdi Caruush iyo jubbland Dr C/raxmaan Maxamed ayaa kulanka kadib waxay ku amaaneen gudoomiye Maxamuud Macalin dadaalkiisa ku aadan caawinta iyo u gargaarida bulshada tabaayalysan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people and textMay be an image of 5 people
Previous articleWasiirka Cadaalada Turkey oo ka hadlay arinta wiilka Madaxweyne Xasan
Next articleSoomaali Feer kaw kaga siiyay Soomaali kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here