Waxaa guul darro kusoo dhamaaday dadaalo Xalay, Maanta ilaa caawa ka socday Muqdisho oo la rabay in lagu qanciyo mid kamid ah beelaha Mudullood oo diidan ka qeyb-galka xaflad Berri ka dhacayso Muqdisho islamarkaana lagu soo dhaweyn doono guddoomiyaha maamulka Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Xafladaan soo dhaweynta ah waxaa soo qaban-qaabiyay siyaasiyiin, odayaal dhaqan iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, balse waxaa diiday ka qayb-galkeeda mid kamid ah beelaha Mudullood oo sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka weysay xuquuqdii ay ku laheyd.

Beesha kulanka diiday iyo Xildhibaankooda oo lagu magacaabo Cusmaan Xaadoole ayaa sheegay in looga baxay balan-qaadkii loo sameeyay ee ahaa gobalka loo magacaabi doono, sidoo kalane aysan ilaa hadda helin xilal kale kadib kulankii ay la qaateen Madaxweyne HSM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here