Sida lagu soo qorey boga xiriirka kubada cagta Somalia Berri waxaa garoonka Muqdisho Stadium ka dhici doona kulan weyn oo ay isugu imaanayaan xiddigihii hore ee kubadda cagta Soomaaliya. Kulankan ayaa noqon doona madal lagu xusayo halyeeygii hore ee kubadda cagta dalka, Sayid Shariif Cali, iyadoo si diirran loogu soo dhoweyn doono.
Kulankani wuxuu noqonayaa mid xasuus gaar ah leh, maadaama uu isu keeni doono ciyaartoy waayo-arag ah oo door muuqda ka soo qaatay horumarka kubadda cagta dalka.

