Kulan uu Khamiistii soo agaasimay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, Â Xuseen Cabdi Xalane, laguna qabtay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Abu Dhabi, ayey Safiirrada dalalka IGAD si wadajir ah ugu soo dhaweeyeen Safiirka cusub ee Dowladda Ethiopia u fadhiya Imaaraadka, Jamal Bakar Cabdulle.
Kulanka soo-dhaweynta safiirka waxaa goobjoog ka ahaa safiirka Sierra Leone, oo ah Dhiinka Safiirrada Afrika ee Abu Dhabi, Â Rashid Sesay, iyo safiirro kale oo ka socda dawladaha Bariga Afrika ee aana ku jirin Ururka IGAD.
Kulankaan ayaa muujinaya  iskaashi, is-ixtiraam iyo midnimo diblomaasiyadeed oo u dhexeeya dalalka Gobolka ee jooga Abu Dhabi.
Sidoo kale Kulankan ayaa, marka laga soo tago soodhaweynta safiirka, ahaa fursad lagu xoojinayey xiriirka diblomaasiyadeed, wadashaqeynta, iyo mideynta mawqifka dawladaha gobolka ee ku aaddan horumarinta danaha guud ee Bulshada Bariga Afrika.
Dhinaca kale Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, Â Xuseen Cabdi Xalane ayaa horay waxa uu Soomaaliya uga soo Noqday Wasiirka Maaliyada Soomaaliya, waana shaqsi aqoon fiican u leh Dibulumaasiyada.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi Kenya



