Muqdisho, 28 November 2023: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay kulan balaaran oo ay Bulshada Gobolka Banaadir ugu Mahadcelinayeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana ay kusoo dhaweenayeen guusha taariikhiga ah ee ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madax kala gedisan oo ay ugu horeeyeen Guddoomiye Kuxigeenada Gobolka Banaadir, Wasiir Kuxigeenada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Ganacsiga, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Madaxda Rugta Ganacsiga, Culuma’udiin, Odayaal dhaqan, Haween iyo Siyaasiyiin.

Advertisement

Madaxda Munaasabadda ka hadashay ayaa dhamaantood hoosta ka xariiqay fursadaha Bulshada Soomaaliyeed ee ka heli karaan ku biirista Ururka Bulshada Bariga Afrika oo ay ugu horeyso Ganacsiga, Socdaalka, Waxbarashada iyo in Soomaaliya ee qeyb ka noqoto Dhaqaaha Bariga Afrika.

—𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗—.

7

Previous articleDowlada Turkiga oo Taliye cusub usoo mahacowday Ciidamadooda Muqdisho ku sugan
Next articleDigniin cusub oo Caawa laga soo saaray Roobab la filayo dhamaadka Bishan iyo bilowga December

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here