HomeWarkiiKulan Xasaasi ah oo Muqdisha uga socda gudiyo kala matalaya Dowlada iyo...

Kulan Xasaasi ah oo Muqdisha uga socda gudiyo kala matalaya Dowlada iyo mucaaradka samatabixinta

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Galabta Magaalada Muqdisho ka socda kulan xasaasi ah oo ay leeyihiin gudiyo ka kala socda Dowlada Somalia iyo mucaaradka la baxay samatabixinta si heshiis horu dhac ah ay uga sii gaaraan kulan weynaha beri Madaxtooyada ku dhexmari doona Madaxweynaha iyo mucaaradka kaasoo lagu wado in warmurtiyeed laga soo wada saaro.
Kulankaani oo ah mid xasaasi ah ayaa u socda gudi min sedex qofodo ka kooban waxaana warar hoose sheegayaan in kulankaani ka muhiimsan yahay kan beri sababtoo ah wixii heshiis ah ee kulanka beri saxaafada loo qeybin lahaa ayaa ku xiran kulanka hada socda.
Qodobada ugu muhiimsan kulanka hada loo fadhiyo waxaa la sheegay in looga hadlayo farsamo ahaan sidii looga heshiin lahaa cutubka afaraad ee wax ka bedelka Dastuurka lagu sameeyay oo ahaa qodobka ugu weyn ee la isku mari la’yahay.
Warar kale ayaa sheegaya in is diiwaan gelintii maanta ee Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashada qof iyo cod ay mugdi gelisay rajadii laga qabay in shirka beri  heshiis labada dhinac ka gaaraan.
Mucaaradka oo ka soo horjeeda hannaanka loo marayo doorashda qof iyo codka ah ee Dowladu hor boodeyso ayaa laga yaabaa inay caqabad cusub ka dhigaan talaabada uu Madaxweyne Xassan maanta qaaday ka hor heshiiska beri ee Dowlada iyo Mucaaradka,sidoo kale waxaa jir shir dastuurka ku saabsan uu Muqdisho uga furmay Dowlada iyo Maamul Goboleedyada qaar taasoo iyadana caqabad noqon karta.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -