HomeWarkiiKulan xasaasi oo caawa Madaxtooyada Somalia ku dhex-maraya Madaxweyne Xasan iyo mucaaradka...

Kulan xasaasi oo caawa Madaxtooyada Somalia ku dhex-maraya Madaxweyne Xasan iyo mucaaradka samatabixinta

May be an image of suit and weddingMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in kulan muhiim ah uu caawa Madaxtooyada ku dhexmari doono Madaxweynaha Somalia Dr.Xasan Sheekh iyo siyaasiyiinta mucaaradka la baxay madasha samatabixinta Soomaallya.
Ilo wareedyada aan helnay ayaa sheegaya in kulankaan oo gogoshiisa ay leedahay Madaxtooyada looga hadli doono xaalada soo korortay ee aqoonsiga Israa’iil sheegtay inay Dowlad ahaan u aqoonsatay Maamulka Somaliland taasoo xad-gudub ku ah madax banaanida iyo wada-jirka Somalia.

Siyaasiyiinta mucaaradka dhamaantood ayaa lagu wadaa inay kulankaasi ka soo qeybgalaan sida Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaarayaashii hore ee Somalia Xasan Cali kheyre,Maxamed Xuseen Rooble,Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Xildhibaan C/qaadir Cosoble ,Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur,Xildhibaan C/laahi Caran iyo kuwa kale ee madasha ku jira.

Sidoo kale wararku waxay sheegayaan in Madaxtooyo si gaar ah u casuuntay isagana Madaxweynihii hore ee Maxamed Claahi Farmaajo inkastoo aan la ogeyn inuu kaligiis la kulmi doono Madaxweyne Xassan iyo inuu kulankaan guud iman doono.

Si kastaba xaalada uu galay dalka ayaa u baahan in wada-jir looga gudbo madaama Yuhuudu ku hoos jirto Mareykanka taasoo qasab ka dhigi doonta in Dowlada Somalia ay gasho dagaal ka adag kii Itoobiya lala galay markii ay soo damaacisay Baddeena, xili hadana dadka siyaasada u dhuun duleeda rumeysan yihiin inay ku lug leeyihiin arimahaan hada socda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -