HomeCiyaarahakulanka adag ee Kooxaha Man City iyo Man United

kulanka adag ee Kooxaha Man City iyo Man United

Pep Guardiola, Manager of Manchester City (L) and Ruben Amorim, Head Coach of Manchester United. Manchester City and Manchester United meet in a Premier League match

Labada kooxood ee Manchester City iyo Manchester United ayaa beri ku balansan kulan ka mid ah Premier League wuxuuna bilaan doonaa saacada geeska afrika 18:30 oo maqribkii waana kulan darbi ah oo aad u adag madaama labada koox aad u xifaal-tamaan.

Manchester City iyo Manchester United ayaa lacag badan ku qarash gareeyay soo iibsashada ciyaartoyda ugu weerarka fiican adduunka, haddana, kulanka axada ee derby ayaa iftiimin doona goolhayayaashooda.

City ayaa Gianluigi Donnarumma kala soo wareegtay Paris Saint-Germain, waxayna United la soo wareegtay xiddiga reer Belguim ee Senne Lammen maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga si ay u xaliyaan mashaakilaadka ka jira shaxdooda.

Inkastoo United ay xaqiijisay Jimcihii in Lammens uusan ku soo bilaaban doonin goolka, waxaa diirada oo dhan la saarayaa kuwa isku dayaya inay joojiyaan goolasha halkii ay dhalin lahaayeen.

Line up-ka   Manchester City
Donnarumma; Matheus Nunes, Ruben Dias, Ake, O’Reilly; Bernardo, Rodri, Reijnders; Bob, Haaland, Doku

Line up-ka  Manchester United
Baayindir; Yoro, De Ligt, Shaw; Mazraoui, Casemiro, Fernandes, Dorgu; Mbeumo, Sesko, Amad

Dhanka kale waxaan halkaan idinku soo gudbineynaa koox kasta iyo 5-teedii kulan ee ugu danbeysay natiijooyinkii ay gaareen:-

Man City last five matches

Man City shantii kulan ee ugu dambeysay:-

3 kulan waa laga badiyay halka 2 kulana ay badiyeen mana jirto wax bar baro ah oo ay galeen.

Man Utd last five matches

Man Utd  shantii kulan ee ugu dambeysay:-

2 kulan way  badiyeen,  2 kalana bar baro ayay galeen, sidoo kalana hal kulana waa laga badiyay

SOURCE ALJAZEERA SPORTS

XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA 
DAYNIILE.COM

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -