Waxaa goordhow Xarunta Villa Hargeysa ka furmay Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 11-aad ee Golaha Shacabka, kaas oo uu shir gudoominayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madowe..

Kulanka Maanta ayaa waxaa xaadiray 150 Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiyaha, waxaana Ajandaha uu yahay dhameystirka Xeer hoosaadka Golaha Shacabka

Xildhibaannada ayaa dood adag ka yeelanaya xeer hoosaadka KMG ah ee Golaha uu ku Shaqeyn doono kal-fadhiyada soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here