Wararka laga helaayo Dalka Turkey ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta kulan xasaasi ah ku yeesheen siyaasiyiin mucaarad ku ah Dowlada Xassan Sheekh kuwaasoo uu hogaaminaya Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka mid ah madasha samataixinta iyo Fahad Yaasiin.
Sidoo kale shirka waxaa goob joog ka ahaa Islow Ducaale , Cusaan Daalo iyo duqii hore ee Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed,kulankaani waxaa la hadal hayaa in looga hadlay sidii Xukunka looga majaxaabin lahaa Xassan Sjheekh marka doorashada la gaaro.
Warar dib lomaasiyaasadeed ayaa sidoo kale sheegaya in Saacid Shirdoon oo ka mid ah Madasha samatabixinta ay hada u badan tahay inuu isna ka baxay isbahaysigaasi isagoo is tusaaya inuu hogaamin karo isbahaysi uu isaga hormuud u yahay.
Kulankaan ka dhacay Turkiga oo misaankiisa leh ayaa dhanka kale laga yaabaa inuu culeys ku noqdo Madaxweyne Xassan oo dhawaan ku guuleystay inuu kala jabiyo amdasha samatabixinta,madaama kooxda is aragtay ay isu muujiyeen inay dhisan karaan isbahaysi ay cadaadis ku saari karaan Xasan Sheekh oo hada u muuqda siyaasi ay loodin la’yihiin mucaaradka hada jira kuwaasoo isku dhinac socda, iyadoo Farmaajo gooni daaq yahay, Saacid shirdoon hada u muuqo inuu gooni daaq noqon rabo iyo kooxda kale ee Xassan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shukuur iyo shariif oo iyaguna ku soo haray madasha samatabbixinta.
Dhibaatada ugu weyn ee mucaaradka heysata ayaa ah ineysan waxba isku ogoleyn oo aysan jirin laba isku biirtay oo mid iyaga ka mida u ogol inuu musharax rasmi ah noqdo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
