HomeWarkiiKulanka Madaxweyne Xasan iyo Maamul Goboleedyada Dalka+SAWIRRO 

Kulanka Madaxweyne Xasan iyo Maamul Goboleedyada Dalka+SAWIRRO 

May be an image of indoorsMuqdisho, Diseembar 28, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir looga hadlay ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka la qaatay, qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa la wadaagay qorshaha dowladda ee ku aaddan ka hortagga xadgudubka ka dhanka ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ku kacay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed ay dadaal xoogan galisay ilaalinta qarannimadda iyo midnimada dalka, iyada oo u maraysa xeerarka caalamiga ah, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo ka hortagga damaca gurracan ee wiiqaya jiritaankeenna.
Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada K/Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi-bari iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ee kulanka ka qayb galay ayaa adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ka digay cawaaqibka aan la mahdin iyo culeyska amni ee tallaabadaasi u horseedi karta Gobolka, iyagoo caddeeyay sida ay ugu garab taagan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda dadaalada diblomaasiyadeed ee gudaha iyo dibedda uu ka wado.
DHAMMAADMay be an image of dais and textMay be an image of dais, newsroom and textMay be an image of one or more people, dais, newsroom and text
RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -