MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Taliyaha cusub ee Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom loo yaqaan General Dagvin Anderson kaasoo dhawaan xilkaasi loo magacaabay.
Kulankaani wuxuu ka dhacay xalane, waxaana looga hadlay xaalada amniga guud ee dalkeena Soomaaliya,howlgalka Mareykanku taageero ee nabad ilaalinta Midowga Afrika kuwaasoo hada qaatay maaca AUSSOM.
Dagaalka lagula jiro Alshabaab ayay si gaar ah uga wada hadleen iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga,sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa garab istaaga Mareykanka ee dhanka ciidamada Milateriga Somalia.
Taliyaha cusub ee Mareykanku usoo magacaabeen Afirika ayaa balan qaaday inay sii wadi doonan taageerada ay siiyaan Somalia iyo howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
