HomeWarkiiKulanka QM iyo waxay Somalia ku soo bandhigtay

Kulanka QM iyo waxay Somalia ku soo bandhigtay

NEWS YORK (DAYNIILE.COM)-Magaalada New York gaar ahaan xarunta Qaramada Midoobe waxaa ka dhacay kulan qiim sare oo Hay’adaasi isugu timid islamarkana looga hadlay xaaladaha dunida gaar ahaan sida mida Africa.

Xubnaha Somaalida ah ee shirka QM ka qeybgalay ayaa ku hadlay magaca waddamada la isku yiraahdo A3+ sida Somalia, Sierra Leone iyo Aljeeriya,Somalia warbixin ayay ka jeedisay shirka ayay ku soo hadal qaaday dhibaatooyinka ka jira Dalal ay yemen ka mid tahay.

Dowlada Somalia waxay ka digeysaa colaada cusub e ka dhex aloosan Xuutiyiinta dagaalamayaasha  reer Yemen ee Xuutiyiinta loo yaqaan iyo Israa’iil xili gantaalo la is dhaafsanayo .

Somalia hadalada ay ka jeedisay shirka QM waxay sidoo kale ku cadeysay inuu isku xiriirsan yahay dagaalka Qaza ka socda iyo midka u dhaxeeya Yemen iyo Israa’iil.

Somalia waxay ku baaqday xabad joojin  degdeg ah oo si looga hortago xasuuqa iyo macaluusha ku socota shacabka reer Gaza xili Somalia taageertay dadaalada nabadeed ee ay isla wadaan Mareykanka,Masar iyo Qatar.

Dalalka la isku dhaho A3 oo ergada Soomaalidu afkooda ku hadashay ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin weerarkii dhawaan kooxda xuutiyiinta yemen u gsyateen markabkii ganacsi ilaa uu ka quuso,waxay ku tilmaameen weerarada nuucaan ah inay halis ku yihiin ganacsig caalamiga ah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -