MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa caawa gaaray guriga Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed uu ka deganyahay Muqdisho isagoona kulan qaas ah la yeeshay.
Warar ku dhaw dhaw kulanka ayaa sheegaya in Agaasime Mahad Salaad uu Shariif kala hadlay qaladkii xalay dhacay markii isaga iyo Rooble laga hor istaagay Garoonka diyaaradaha Muqdisho inay ka galaan xeyndaabka xalane.
Dhanka kale warar kale ayaa sheegaya in Mahad Salaad u ogolaaday mucaaradka in hada kadib ay sidey doonaan ugu socon karaan garoonka diyaaradaha ,Mahad Salaad u wuxu u sheegay waqti go’an iyo laba irid oo ay tahay inay isticmaalaan hada kadib mucaaradka.
Labada irid ee Mahad Salaad u ogolaaday mucaaradka ayaa kala ah irida Marina Gate iyo Main Gate balse ay kaliya isticmaali karaan wixii ka horeeya 5-ta galabnimo si loo ilaaliyo hab raaca amni ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
