ISTANBUL (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Dekadaha Somalia C/qaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaan Wasiir Jaamac ayaa sheegay inuu Magaalada Istanbul kaga qeybgalay shirka meertada 2aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka.
Sidoo kale Wasiir Jaamac wuxuu sheegay inuu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Gaadiidka Dalka Turkey kaasoo ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin xoojinta iskaashiga dhinaca arrimaha badda, gaar ahaan horumarinta khadadka maraakiibta.
“Wasiirka Gaadiidka iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Türkiye waxaan ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga dhinaca arrimaha badda, gaar ahaan horumarinta khadadka maraakiibta, kobcinta dekedaha, is-weydaarsiga khibradaha farsamo, wadaagista xogta, iyo qaadashada tiknoolajiyad casri ah si loo kordhiyo hufnaanta iyo isku xirnaanta” ayuu yiri Wasiir Jaamac oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook
Wasiir Jaamac wuxuu intaasi ku daray in labada dal si ay u wada dhisaan horumar waara uu aad u rajeynayo inay sii ambaqaadan wada shaqeynta
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

DAYNIILE.COM


