Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Zwolle & Magaalooyinka ku dhow dhow ayaa todobaadkii 3-aad meel ku wada afuray Sebtidii, iyada oo ay caado soo jireenna u aheyd in Jaaliyada reer Zwolle inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan  ay meel ku wada afuraan.

 

 “Dadkii soo billaabay iyo kuwii ratibay howshan mutadawacnimada ah oo qaarkood geeriyooday, qaarna ay nool yihiin mahadi ha ka gaarto, waxaan bil kasta oo Ramadaan ah ay Jaaliyadu isugu timaadaa afur, waxaan u yeeranaa dad ahlu kheyr ah oo aan diin ku tuhmeyno, si aan isu xusuusino fadliga & kheyrka ay bishani xambaarsan tahay” Ayuu yiri Guddoomiyaha Jaaliyada C/qaadir Cali Nuune, oo ah  shaqsiga bud-dhiga u ah  qabsoomida kulanka Ramadaanka.

C/qaadir Cali [Nuune] oo muddo dheer jaaliyada soo hogaaminayay, wuxuu u mahadceliyay qoysaska & shaqsiyaadka soo diyaariya nuucyada kala duwan ee cunnooyinka, wuxuuna xusay in reer Zwolle ey tusaale fiican u noqon karaan jaaliyadaha kale ee ka dhisan Nederland, ayna taasi ku muteysteen isku xirnaanta.

Sheekh Mudathir Maclow oo ka mid ah mashaa’iqda reer Zwolle ayaa u jeediyay Jaaliyada muxaadaro ku saabsan sida lagaga faa’ideysan karo 10-ka cisho ee u dambeysay Ramadaanka,

 

C/qaadir Nuune, waxaa la weydiiyay in maadaama dadka ka soo qeybgala afurka ay yihiin rag oo keliya, in ay qorsheynayaa in sannadaha soo socda la ballaariyo, laguna soo daro haweenka si ay uga faa’ideystaan muxaadarooyinka, wuxuuna balanqaaday in ay ku mashquulsan yihiin sidii haweenka lagaga soo qeybgelin lahaa afurka.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here