MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida uu cadeeyay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Abshirow waxaa maanta baaqday kulan ay laheeen baarlamaanka Soomaaliya oo isaga laftigiisu uu shir gudoomiye ka ahaa.
Gudoomiye Abshiroow wuxuu sheegay in shirka maanta oo muhiim ahaa uu u baaqday kooram la’aan markii ay maqnaadeen xildhibaano badan kuwaasoo badankood wax fasaxa aan ku maqneyn.
“Kulankeena maanta wuxuu u xirmay kooram la’aan, xildhibaanada maanta maqnaa waa inay Arbacada yimaadaa Kulanka”ayuu yiri Gudoomiye xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka.
Masuulkaani wuxuu intaasi ku daray in maanta ay jirtay codeyn sidoo kale laba xildhibaan oo dhawaan ku soo biirey iyagana la dhaarin lahaa balse guud ahaan qorshayaashaasi oo dhan ay la baaqdeen kooram la’aanta maanta dhacday.
“Baarlamaanka wuu u jadwaleysan yahay maalmaha oo sabtida isniinta iyo arbacada waa fadhiyada baalamaanka halka axad iyo talaadada gudiyada ay kulmaan, khamiistana gudiga joogtada ayaa kulma”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mudane Abshiroow
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
