Shir ayaa uga socda xarunta Madaxtooyada Galmudug Madaxwaynaha DFS, RW Rooble iyo sadexda Maamul goboleed ee Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa ka maqan Madaxwynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Iyada oo mawqifka Siciid Dani aan si rasmi ah loo cadayn karin balse Axmed Madoobe uu ka biyo diidan yahay qodobada ku xeeran gobolka Gado.

Lama oga in kulanka hadda u socda qaar ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyada iyo Madaxwaynaha iyo RW uu war ka soobixi karo waloow ay muuqato in dhinacyadu isku daaleen oo wax walba la filan karo.

Safiirka Maraykanka iyo xubno katirsan beesha caalamka oo la hadlay xoghayaha guud ee Golaha shacabka ayuu safiirku u gudbiyay in la hakiyo kulanka Baarlamaanka, waxaana uu Xoghayaha guud ku yiri sida ay ilo kala duwan ii xaqiijiyeen” Baarlamaanka arrintu kama imaanin ee waa dalab inooga yimid Madaxwaynaha Soomaaliya”.

Ma cadda in madxwaynuhu wax ka badalayo mawqifkiis ah in uu baarlamaanka hortagayo iyo in kale, Gudoomiyaha aqalka sare ayaa isagu sheegay in aanay jirin wax fariin ah oo soo gaartay dhankooda oo la xiriirta kulanka Sabtida oo ku beegan 6da bisha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here