MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku kulmay Guddigii ka kala socday dhinacyada Dowlada Somalia iyo Madaxda Mucaaradka samatabixinta si ay usii anba qaadaan ka doodista qodobadii ay isku hayeen xili berina loo balansan yahay kulankii weynaa ee Madaxtooyada ka dhici jirey.
Shirkaan ayaa fashil ku soo dhamaaday waxaana dhanka Dowlada matalayay Ra’iisulwasaare xigeenka 1-aad Saalax Axmed Jamax,Wasiirka Cadaalada Xasan Maclin iyo wasiirka waxbarashada Farax C/qaadir halka mucaaradkana ay ka socdeen C/raxmaan C/shakuur, Gudoomiye Mursal iyo Axmed Ciise Cawad.
Gudiyadaan oo u xilsaaran inay diyaariyan warmurtiyeed la isku raacsan yahay oo shirka dhamaadkiisa maalinta arbacada laga soo saari lahaa ayaa isla fahmi waayay isla qodobadii dastuurka ee la isku hayay waxayna balameen saaka oo talaado inay gudiyadu isku soo laabtaan.
Sidoo kale marka Dastuurka laga yimado waxaa sidoo kale Gudiyadu isku qabteen doorashada qof iyo cod-ka ah qaabka ay noqon doonto,waxaana lagu wadaa inay wada-tashiyo kadib saaka oo talaado isku soo laabtaan islana xaliyaan warmurtiyeedka wixii lagu qori lahaa oo ka tarjumeysa wax labada dhinac isku raacsan yihiin.
Shirka maanta ayaa la filayaa in lagu ogaan doono shirka weyn ee beri sida uu noqon doono,dabcan hadii kan gudiyada ee maanta la isku soo laabanayo la isku fahmi waayo macnaheedu waa gabi ahaanba in shirka beri halis ku jiro iyo isfahamka mucaaradka iyo madaxweynaha.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
