MUQDISHO (DAYNIILE.CO.)-Waxaa Caawa Natiijo la’aan ku soo dhamaaday shirkii labada gudi ee kala matalayay Dowlada Somalia iyo mucaaradka.
Labada dhinac waxay isku mari waayeen In dooradhada Xildhibaanada Federaalka ah iyo kuwa golayaasha deegaanka ay dadwaynuhu soo doortaa sida Dowladu rabto balse la isku mari waayay madaama mucaaradku sidaas rabin.
Inkastoo mucaaradku Dowlada ku raacsan yihiin in doorashadii dad banays lagu laaban islamarkaana la aado doorasho wof iyo cod ah balse wadada loo marayo ayaa la isku heystaa.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay ku kala tageen in wixii dhiman shirka weyn ee beri lagu xaliyo halka warar kalana ay ka deyribayaan shirka beri xitaa inuu qabsoomibwaayo.
Shirkaan caawa wuxuu ahaa in labada gudi diyaariyaan wixij lagu qori lahaa warmurtiyeedka la rabo in shirka beri laga soo saaro balse waa lagu kala kacay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
