Xildhibaanada Soomaaliya ayaa maaanta kulan ku yeeshay xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta waxaa ajandihiisu ahaa ka hadalka arimaha fatahaadaha iyo roobabka Dalka intiisa badan saameynta ku yeeshay  islamarkaana sababay dhimashada ku dhawaad boqol ruux iyo barakaca kumanaan kun qoys.

Advertisement

Xildhibaano ka hadlay qodobkaan ayaa qaarkood soo jeediyeen in Xildhibaanadu ay ka qeyb qaataan u gurmashada dadka Soomaalida ee guryahoodii biyaha uga barakaceen iyo kuwo ehelkodii ku geeriyoodeen.

Xildhibaan Mohamud Abdirahman Beene Beene ahna Wasiirka Qorshaynta ayaa ka sheegay shirka in dhulka Maamulka Jubaland kusoo arkeen Maydad ay biyo sitaan iyo dad ku dhex xayirmay Biyaha dhexdooda.

Xildhibaan Ceymooy ayaa isna hadal uu jeediyay waxaa ka mid ahaa in Soomaalida uu isugu darmay Daadadkii roobka iyo fatahaada Wabiga,wuxuu xusay in gurmad deg deg ah loo baahan yahay.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir ayaa isna soo jeediyay in dadka nool la badbaadiyo islamarkaana lacagta Akoonada ku jirta ay tahay inuu fasaxo Gudoonka Baarlamaanka.

“Musiibadda hadda taagan waa mid la mid ah tii 1997, waxaana looga gudbay gurmad dadka Soomaaliyeed aysan u kala harin, Maanta yaan loo kala harin gurmadka” ayuu yiri Xildhibaan Mucalimu oo isna hadalo ka jeediyay shirka.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ugu danbeyn isku raacay in loo yeero wasiirka Arrimaha gudaha ee XFS si wax looga weydiiyo arrimaha fatahaadaha dalka iyo khasaaraha ay geysteen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleIsraa’iil oo ka curyaantay dhanka dhaqaalaha
Next articleGegida dayaaradaha Aden Cabdulle waxay u baahan tahay in sida loo dhaamo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here