Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo caawa cadeeyay mowqifkiisa gobolka Gedo. Akhriso faahfaahinta :

– Waxa caawa kulan casho Villa Somalia ku dhaxmaray Madaxweyne Xasan Sheikh , RW Xamse , Madaxweynaha Jubaland iyo Ku Xigeeniisa iyo Xildhibanada Baarlamanka ee lagaso doorto Gedo.

– Dood adag oo laba geesod aya la yeeshay. Garabka koowad, Wasiru Dowlaha Deeganka & Isbadalka Cimilada iyo Xildhiban Mursal Khalif oo taagero ka heystan Wasiirka Amniga Doodishe oo dalka dibadiisa ku maqan aya soo bandhigen qorshe gobolka Gedo muddo 2 sanno ah maamul kumeel-gaar loogu dhisaayo kadibna dib u heshiisin la sameeyo markaasna Jubaland dib ugu noqoto marki doorasho la isku raacsan yahay ka dhacdo Kismaayo.

– Garabka labaad Madaxweynaha Jubaland iyo Ku Xigeenkisa iyo Xildhibaano taagersan aya ku dooden in Jubaland sharciyad u leedahay maamulida goboladeda, loona madax baneeyo.

– Intaas kadib waxa hadalka soo xiray Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo yiri “Mareexan iyo maamulka Jubaland khilaaf muddo dheer ka dhaxeeyay baa jiray, dib u heshiisin baan u qabaneyna laakin hada waa in Jubaland maamulkeda aay dib uguso noqota Gedo oo iyada soo magacowda maamulka gobolka iyo kan degmada, Axmed Madoobe isagana waxa laga raba in waxa laga tabanayo uuka garaabo isbadalna la yimaado, doorashadana waxa u xilsaaran sugnaanteda iyo xiligeda Dowladda Federalka Soomaliya”.

– Isku soo wada duubo gobolka Gedo aya muddo 3 sanno iyo 6 bilood gaar ka aheyd maamulka Jubaland kadib marki Dowladdi Federalka aay ka hor-timid natiijadi doorashadi Jubaland. Lama yaqaano maamulka hada Gedo ka arimiyan habka aay isku difacayan iyo fal-celintooda.

Maxa la gudboon Reer Gedo, Xasan Sheikh mowqifkiisa wuu cadeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here