Muqdisho, Diseembar 11, 2023: Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga afaraad kulankiis 2-aad oo ajandihiisu ahaa Akhrinta 1aad ee Sharciga Qaxootiga iyo Magan Galyo Doonka iyo Ka tashiga saamaynta Arrimaha fatahaadaha.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimadda hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan Galyo Doonka.
Intaas kadib Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha Aqalka Sare Sanatar Deeqa Xasan Xuseen ayaa Golaha lawadaagtay warbixin ku saabsan safar shaqo oo ay ku tageen magaalada Baydhabo iyo kulamo ay la qaateen madaxda Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed, iyadoo Sanatarraduna ay ka aragti dhiibteen xal u helista arrimaha fatahada, daryeelka dadka ay saameeyeen daadadku iyo la xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha gargaarka.
Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka maanta shir guddoomiyay ayaa geba-gebada kulanka cod geliyay in Sanatarrada mushaarkooda bishan laga jaro lacag dhan shan boqol oo dolar kadib soo jeedin ka timid xubno katirsan Sanatarrada Aqalka Sare, sidaas ayayna ku ogolaadeen xubnihii kulanka joogay.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
May be an image of 1 person, beard and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, headscarf and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 13 people and daisMay be an image of 9 people, people studying and dais
Previous articleShirkii Baarlamaanka Puntland oo buuq iyo fowdo lagu kala tagay.
Next articleGudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo jawaab adag ka bixiyay go’aankii Maxkamada Dastuuriga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here