Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaari Hoomey ah oo Al-shabaab ku diyaariyeen walxaha qaraxa.

Howlgalka lagu soo qabtay gaariga ayaa laga fuliye tuulada Cad-cadeey oo hoos tagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

“Ujeedkoodu wuxuu ahaa argagxisadu in gaarigan ay ku weeraraan shacabka Muqdisho, balse ILAAHAY mahadiid ciidamada ayaa gacanta ku dhigay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Danab

Saraakiisha Danab waxa ay sidoo kale sheegeen in Xogta gaariga qaraxyada lagu diyaariyey ay soo gudbiyeen shacabka ku dhaqan Tuulada Cadcadeey ee degmada Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here