TOORATOOROW (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Kumaandoska Danab ee Xooga Dalka ayaa la soo sheegayaa inay howlgal ka dhan ah Alshabaab ka fuliyeen deegaanka Tooratooroow ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Kumaandooska Danab waxay howlgalkaan ku dileen sarkal sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab kaasoo ahaa amiirkii u qaabilsana dhanka Zakakawaatka, waxaana lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Maxamed islamarkaana magaciisa is afgarashada uu ahaa Carab.
Sidoo kale howlgalka waxay kumaandoosku ku burburiyeen mooto uu watay sarkalka ay dileen,sidoo kale waxa kula soo wareegeen lacago ay alshabaabku dadka ka qaadi jireen iyo boonooyinkii ay ku qaadi jireen intaba.
“ciidamada Danab kuwooda gaarka ah waxay howlgalka ku soo heleen lacagihii baada ahaa ee ay shacabka ka qaadi jireen iyo boonooyinkii ay u adeegsan jireen qaadista lacagta”ayaa lagu yiri warsaxafadeed ka soo baxay kumaandooska Danab
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
