Ururka 161aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka gawaarida gaashaaman ee (MU), ayaa howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah ka sameeyay deegaannada Basro, Baqdaad, Jambaluul, iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.
Howlgalka oo ka bilowday deegaanka Basra, ayey Ciidanka Kumaandooska Danab ku burburiyay godadkii Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen, waxaana halkaas isaga cararay dhagar-qabayaashii nabadiidka ahaa, kadib markii ay u adkeysan waayeen awoodda Ciidanka.
Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay goobihii ay kaga dhuumaaleysanayeen Khawaarijtu deegaannada Jambaluul iyo Baqdaad ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana ay dib usoo celiyeen amniga iyo xasilloonidii deegaannadaas, sidoo ciidanka ayaa kusii raad jooga firxadka nabadiidka.





