Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta si guul leh u fuliyay howlgal nadiifin ah oo ka dhacay deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan wadada muhiimka ah ee xiriirisa gobolka Baay, si loo sugo amniga loogana hortago khatar kasta oo Khawaarijtu usoo maleegaan shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalkaan oo si qorsheysan loo abaabulay, ayaa lagu baaray goobo istiraatiiji ah oo ay horey ugu dhuuman jireen xubno ka tirsan Khawaarijta. Ciidamadu waxay xaqiijiyeen amniga guud ee deegaanka, waxayna ka hortageen tallaabo kasta oo ay isku dayi lahaayeen cadowgu.
Xidigle Deeqoow Yuusuf Sareeye, oo kamid ah saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka, ayaa sheegay in ujeedada howlgalka ay ahayd kahortagga dhagarta ay Khawaarijtu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed, iyo xoojinta amniga deegaanka Leego.
Howlgallada noocan ah ayaa ah kuwa joogto u ah qorshaha amni ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo adkeeyo nabadgelyada loona sugo xasiloonida guud ee dalka.











